Dropshipping: Sidaan $0 Ka Bilaabay Oo Bishii $2,000 Ku Helay — 2026"
- Get link
- X
- Other Apps
Online SomaliEarner
π₯ Ganacsi Online • 2026
Dropshipping —Kayd Bilaa,Lacag Hel!
Wareejinta alaabta waa mid ka mid ah hababka ugu fudud ee lacag laga sameeyo online-ka. Bilaash bilow, macaamiil soo jiido, faa'iido samee.
π Maqaalka Akhri →
▶ Sidee Loo Bilaabaa$0+Kharash Bilowga 48h
Bilowga Store ∞ Faa'iido Suurtogal
π¦ Dropshipping
π May 2026
✍️ OnlineSomali
⏱ 7 Daqiiqo Akhris fππ¬
Haddaad raadineyso ganacsi online ah oo aan kharash badan qaadan, laakiin lacag wanaagsan keeni karo — Dropshipping ayaa ahaaneysa jawaabta saxda ah.
Maanta waxaan ku falanqeynayaa Dropshipping si faahfaahsan — waxa ay tahay, sida loo bilaabo, goobaha ugu wanaagsan, iyo siday lacag ugu sameyso dadka ku bilaabay. Maqaalkan ka dib, waxaad heli doontaa jawaab cad oo ku saabsan sida aad u bilaabi kartid maanta.
1.Maxay Tahay Dropshipping?
Dropshipping waa nooc ganacsi oo aad alaab ku iibisid adigoo bilna kayd ku haysanin. Nidaamka wuxuu u shaqeeyaa sidatan: macmiilku wuxuu ku iibsanayaa alaabta store-kaaga, adigu lacagta ayaad u dirtaa shirkadda alaabta leedahay, shirkadduna macmiilka ayay alaabta u dirtaa tooska ah.
π‘ Tusaale Fudud
Macmiilku wuxuu kaa iibsanayaa shaati $40. Adiga waxaad u dirtaa shirkadda AliExpress $26. Adiga waxaad haysa $14 faa'iido — adiga gacmahaaga alaabta ma taabanin!
2.Sida Loo Bilaabaa — 4 Tallaabo
01.πͺ Store-ka Samee
Shopify ama WooCommerce isticmaal. Daqiiqado 30 gudahood store dhameystiran ayaad sameeysanaysaa — naqshad qurxoon, lacag-qaadashana ku dar.
02.π¦ Alaabta Dooro
AliExpress, CJ Dropshipping, ama DSers ka dooro alaabaha. Raadi alaab la dalbado badan, reviews wanaagsan, qiimana jaban.
03.π£ Xayeysii
TikTok Ads, Facebook Ads, ama Instagram Reels ku xayeysiiso. Bilowga waxaad isticmaali kartaa TikTok bilaash ah si traffic u hesho.
04.π° Faa'iidada Qaado
Macmiilku wuu bixiyaa. Tafariiqaha shirkadda u dir. Farqiga dhexda ah waa faa'iidadaada. Lacagta waxay gashaa adigu gacantaada!
- Get link
- X
- Other Apps
Comments
Post a Comment