How to Make Money While You Sleep — The Power of Investing

 Maalgashiga LacagAHa 2026

Sida Maalgashiga Lacagtada Aya Kuu Shaqayneso Adiga Oo jiifa

Qoraaga: SomaliEarner  ·  12 May 2026  ·  8 daqiiqo

Dadka hodanka ah waxay leeyihiin sir ay uga duwan yihiin dadka caadiga ah — ma shaqaystaan lacagta, lacagta ayaa u shaqeysa. Taasi waxaa la yidhaahda: Maalgashi.

💡 Maxay Tahay Maalgashiga?

Maalgashiga waa inaad lacagtaada ku gasho shay kuu keeni  doona lacag dheeraad ah mustaqbalka. Taasi waxay noqon kartaa maalgashi: 

  • 📈 Hantida (dhul, guryaha)
  • 💹 Xididdada shirkadaha (stocks
  • 🏦 Xisaabaha bangiyadda
  • 💻 Ganacsiga online-ka
  • 🧠 Aqoontaada (education)
  • 💡 Xaqiiqda: Haddaad lacagtaada bank-ka ku dhigtid oo aadan maalgashinin — qiimaheedu si tartiib ah ayuu hoos ugu dhacayaa sababtoo ah barasho (inflation).
  • 🚫 Khaladaadka Ugu Weyn ee Soomaalida
  • Dadka badan waxay lacagtooda:
❌ Wey Cunaan — lacagtana wey  dhammaystaan, oo wax ee ka kaydiyaan ayee waayaan
❌ Bank-ki ayee dhigaan — faaiidada bank-ki aad bay u yar tahay
❌ Xawaaladahana wee dhigtaan — fa'iidona ma lahan
❌Wax qaali ah ayee iibsadaan — gaari cusub, telefoon qaali ah — laakiin hanti ma lehan
⚠️ Xeerka: Haddaad iibsato wax qiimihiisu hoos u dhacaayo — taasi waa kharashaad. Haddaad iibsato wax qiimihiisu kor u kacaayo — taasi waa maalgashi!
✅ 5 Nooc oo Maalgashi ah ee Soomaalida Ku Habboon
1. Dhulka & Guryaha
Dhulku weligiis qiimihiisu kor ayuu u kacayaa. Haddaad maanta dhul iibsato, 5 sano kadib laba laab ayuu noqon karaa. Taasi waa maalgashadka ugu ammaan badan.

2. Ganacsiga Online-ka
Blog, YouTube, ama Fiverr — lacag yar ayaad ku bilaabesaa, laakiin dakhli  joogto ah ayaa kaa soo galayo. Maalgashadkaagu waa waqtigaaga iyo aqoontaada.

3. Aqoonta (Self-Investment)
Korsiga online-ka, buugaagta, iyo xirfadaha cusub waa maalgashiga ugu roon. Haddaad $50 ku barato xirfad cusub, sanadkiiba $5,000 ayay ku soo celisaa!
4. Ganacsi Yar oo Deegaanka ah
Dukaan yar, qaxwe, ama adeeg kasta oo aad bilaabi karto. Lacag yar + fikrad wanaagsan = dakhli joogto ah.

5. Kaydinta Dahabka
Dahabku waa maalgashiga ugu da'da weyn adduunka. Qiimihiisu si joogto ah ayuu u kor u kacayaa. Qarash kasta oo aad haysid dhib kuma laha inaad qayb ka kaydiso dahabka.

📊 Xeerarka Aasaasiga ah ee Maalgashadka
📌 Xeerka 50/30/20: Dakhligaaga 50% baahiyahaaga u isticmaal, 30% raaxada, 20% kaydi ama maalgashi.

📌 Ha sugin waqti dheer: Maalgashiga horay ka bilow — $10 bilowga ah ayaa mustaqbal wanaagsan samayn kara.

📌 Khatarta qaybso: Hal meel kaliya wax ha ku dhigin — 2-3 nooc u qeebi.

📌 Joogto ha ahaato: Maalin kasta ama toddobaad kasta xoogaa kaydi — wax yar yar laakiin joogto ah.

🧮 Xisaabta Xoogga leh
Haddaad maalin kasta $1 kaydiso oo maalgashiso:

📅 1 sano: $365
📅 5 sano: ~$2,000+
📅 10 sano: ~$5,000+
📅 20 sano: ~$15,000+ (faa'iidada ku darnaanta awgeed)
🔑 Xeerka: Lacag yar + Waqti dheer + Joogto ahaansho = Hanti weyn. Taasi waa sirta hodanku!
Maanta Bilow — Mustaqbalkaaga Ka Fikir! 💰
Maalgashadku ma aha wax hodanka kaliya u ah. Lacag kasta oo aad haysid, xitaa hadday yar tahay, waxay noqon kartaa aasaaska hodantinimada. Tallaabada ugu horeysa qaad maanta!

Su'aal ma qabtaa? Comment ka hoose noogu reeb! 👇

Comments

Popular posts from this blog

Qalabyada Bilaashka ah Ee Lagu Bilaabi Karo Lacag Online 2026

Stop Wasting Time Gaming — Here's How to Turn Every Hour Into Real Money

GetPhone — Telefonkaaga Cusub Hel Maanta